Sanyare oo sheegay in laba qodob oo keliya, haddii la sameeyo Al-shabaab looga baabi’in karo Soomaaliya Daawo Muqaalka

Isniin: july 26 2021

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur (Sanyare), ayaa sheegay in laba qodob oo keliya, haddii la sameeyo Al-shabaab looga baabi’in karo Soomaaliya oo dhan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay shir ku saabsan Amniga, oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa ku baaqay in la fuliyo labadaas qodob, haddii la doonayo in Al-shabaab laga adkaado.

Qodobka kowaad ayuu ku sheegay, in la joojiyo odayaasha damiinka ku sii daaya xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee la qabto, ka hor inta aan baaritaan dhammaystiran lagu samayn.

Qodobka labaad ayuu sidoo kale ku sheegay, in mas’uuliyiinta dowladeed ay joojiyaan u hoggaansanka awaamiirta Al-shabaab ee ku dhisan cabsi-gelinta

Office Nairobi Kenya