Wasiirka amniga ee Fiqi oo dhaleeceeyay labo qof oo rayid ah lagu dilay Mudug.

 

Talaado: july 27 2021

Wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dhaleeceeyay labo qof oo rayid ah lagu dilay galbeedka gobolka Mudug.

Wuxuu ku baaqay in caddaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka loo geystay dadkaas.

“Baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada Shabaab” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Office Nairobi Kenya