Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlayt Qarax ka dhacay Coomaad.

Arbaco: july 28 2021

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay Gaari la sheegay in laga soo buuxiyay Walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay degaanka Coomaad ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan inji ayaa tilmaamay in Gaari laga soo buuxiyay Walxaha qarax iyo Raggii la socday u ku qaraxay degaankaas.

Sidookale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in Gaarigaan qarxay ay AL-Shabaab ku soo rareen qaraxyada, kaas oo loo waday deegaanada ay la wareegeen Saacadahii ugu dambeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle islamarkaana uu ku qarxay Gaariga Raggii weerarka qorsheenayay.

.

 Office Nairobi Kenya