Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka oo gaaray baydhabo.

Sabti: July 30 2021

Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka Maamulka Koofur galbeed, waxaa gaaray Wafdi ka socda guddiga hirgelinta doorashada heer federaal, iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Wafdigaan guddiga doorashooyinka heer federaal, waxaa hoggaaminaayay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Mowliid Mataan.

Ujeedka ay halkaasi u tageen ayaa ah dar-dar galinta howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed Koofur galbeed, iyagoo sidoo kale halkaa ka bilaabi doono kulamo ay la yeelanayaan Odayaasha dhaqanka maamulkaasi iyo madax kale.

Office Nairobi kenya