Rooble oo bilaabay Wada hadal u dhaxeeya siyaasiyiinta Waqooyiga Somaliya mar kale

Sabti: August 7, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya saacadihii la soo dhafay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku aadan sidii  xal loogu raadin lahaa  khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada garab ee guddiga gobollada waqooyi.

Dadaallada xal loogu raadinayo arintaas ayaa bilaawday saacado  kadib markii maanta ay ahayd in ay dhacdo doorashada Gobolada Waqooyi.

Wada-hadallada haatan billowday ayaa kusoo aadaya, xilli maanta oo ay tahay 7 August ay ku beegan tahay waqtigii loo asteeyey qabashada doorashada hoggaanka guddiga Somaliland.

Sidoo kale Afarta xubnood ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa dhanka kale wacad ku maray in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada, iyagoo soo bandhigay shuruudo  ay tahay in la fuliyo.

.

Office Nairobi Kenya