Madaxweynah Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabay wasiiro cusub


Axad: August 8 2021

Wararka ka imaanaya magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynah Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed,Cabdicasiis Maxamed Xasan ‘Laftagareen’ uu  xilkii wasiirnimo ka qaaday, halka dhanka kalena uu isku shaandheyn sameeyey, oo xubnaha qaar loo beddelay boos cusub.

Xasan Ibraahim xasan ‘Lugbuur’ ayaa loo magacaabay Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladda.

Halka, Ilyaas Cali Nuur loo magacaabay, wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Axmed Sheekh Maxamed ‘Laxoos’ ayaa isna laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Hoos ka aqriso

Office Nairobi Kenya