Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka oo si kulul u cambaareeyay Dowladda Bishaar Al-Asad


Axad: August 8, 2021

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa si kulul u cambaareeyay weerar Arbacadii Xukuummadda Suuriya ee uu hoggaamiyo Bishaar Al-Asad ku qaaday magaalada Daraa al-Balca ee koonfur galbeed Suuriya.

Blinken ayaa ku baaqay in si deg -deg ah loo joojiyo rabshadaha, oo ay ku dhinteen dad rayid ah, ayna ku barakaceen kumanaan rafaad iyo cunto yari soo wajahday.

Maamulka Suuriya ayaa dib u cusbooneysiiyay weeraradii ay ku hayeen Daraa al-Balca kadib markii uu fashilmay wadahadaladii dhexdhexaadinta ee uu hogaaminayay Ruushka oo u dhaxeeyay Xukuummadda Asad iyo xoogaga mucaaradka.

Office Nairobi Kenya