Moqdisho,August 09, 2021 —Maamulka Qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah oo la xiriiray sugidda amniga ee doorashooyinka.
Tababarkaan oo socday muddo shan maalmood ah,waxaa ka qeyb galay15 sarkaal oo ka tirsan Booliiska Jubbaland,kuwaas oo iyaguna sii tababari doona Ciidamada kale ee Booliska Jubbaland..
Tababarkaan mudadii uu socday waxaa lagu qaatay maareynta amniga, tilmaamaha doorashada, xeerarka iyo waajibaadka ciidamada, habaynta,qaab -dhismeedka sharciga doorashada, ka hortagga rabshadaha iyo ilaalinta nidaamka dadweynaha iyo xakamaynta dadka. .
Kormeeraha guud ee tababarka, Edward Kebbie Sesay oo ka tirsan Booliska AMISOM, ayaa sheegay in tababarkan uu siisay booliiska Soomaaliya xirfado ka caawin doona inay waajibaadkooda u gutaan si xirfad leh.
“Koorsada waxaa loogu talagalay in lagu qalabeeyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliyayaasha saldhigyada xirfadaha, aqoonta, hab -dhaqanka si hufan loo maareeyo loona wareejiyo xirfadaha, aqoonta iyo dabeecaddaah ayuu yiri” Edward Kebbie Sesay.
Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________________________________
