Banaanbax somalida Nairobi dagan ay ku soo dhawaynayaan Raisal Wasaare Rooble oo laga Daremayo Nairobi


Talaado: August 10, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada islii ayaa sheegaya in laga dareemayo soo dhawayn heerkiisa sareya oo loogu diyaar garoobayo Raisal Wasaare Rooble oo lagu wado in uu soo gaaro magaalada Nairobi, xili uu saakay soo gaaray magaalada Mombasa ee Caasimaddda labaad ee Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Somalida dagan Nairobi ay sii diiran u soo dhawayn doonaan Raisal wasaare rooble oo markii ugu horaysay soo gaaro Nairobi, asaga oo Raisal wasaare ah, maadaama uu dagnaan jiray Rooble Nairobi mudo badan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in jaaliyada Soomaaliyeed iyo gacansatada dagan Nairobi uu la kulmi doono Rooble maalmaha soo socda markii uu soo gaaray magaalada Nairobi.

Office Nairobi Kenya