Sen. Faroole oo mar kale loo doortay xubin ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Arbaco: August 11, 2021

 Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa maanta mar kale loo doortay xubin ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Senetor Cabdiraxmaan Faroole ayaa noqday xubintii u horraysay ee maanta lagu doortay doorashada Aqalka sare ee ka socota Garoowe.

Faroole ayaa 54-cod kaga guulaystay Maxamed Cismaan Colaad oo kula tartamay xilkan islamarkaana helay 11-cod oo keliya.

Ex. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa hore Puntland madaxweyne uga soo noqday 2009/2014.

Sidoo kale Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa isna cod gacan-taag ah lagu doortay kadib markii ay u tanaasushay Kawsar Cabdullaahi oo la tartamaysay.

.

Office Nairobi Kenya