guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya oo saaka ku wajahan Puntland

Arbaco: August 11, 2021

Xubno ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya, ayaa saaka ku wajahan caasimadda Puntland ee Garoowe.

Lix xubnood oo ka tirsan guddigaas, ayaa Garoowe u imaanaya, si ay goob-joog uga noqdaan doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Puntland.

Doorashada Aqalka sare ayaa maanta ka dhacaysa Garoowe, waxaana haatan xarunta Baarlamanka ka socda khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilalkaas.

Office Nairobi Kenya