Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee doorashada oo geeriyooday

Moqdisho,August 14, 2021 —Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee doorashada C/llaahi Abyan Nuur ayaa goordhow ku geeriyooday Isbitaal Martiini.

Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga waxaa  Guddoomiyaha laga helay cudurka Coronavirus, waxa uu horay u qaban xanuuno kala duwan.

Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa horay u soo qabtay xilal kala duwan oo gaarsiisay ilaa heer wasiir.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in uu xanuunsanaa.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________