Al-shabaab oo madaafiic ku garaacday garoonka diyaaradaha shaati gaduud ee magaalada Baydhabo

Isniin: August 16, 2021

Wararka ka imaanaya Garoonka baydhabo ayaa sheegaya in madaafiic ay ku rideen Garoonkaas dagaalamayaal katirsan Alshabaab,  ay ku rideen madaafiic dhowr ah garoonka diyaaradaha shaati gaduud ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen xaafadaha ka agdhaw garoonka oo ay dadka rayid ah degan yihiin.

Sidoo kale ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka ay dhankooda mafaaiic ku jawaabeen, inkastoo weli aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarka madaafiicda ah ee lays weedaarsaday.

Office Nairobi Kenya