Yusuf Dabageed oo Booqday meelaha Loogu Talo galay doorashooyinka ee Beledweyne

Isniin: August 16, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf uu maanta booqday  meelaha Loogu Talo galay doorashooyinka ee Magaalada Beledweyne.

Goobahaas ayaa waxaa ka socda dib u hebeyn dhismo iyo qalabeyn maadaama la qorsheynayo doorashooyinka dhowaanka la filayo in dalka ay ka dhacaan.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Goobaha uu booqday waxaa ka mid ah hoolalka loogu talo galay in lagu qabto doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka hoose, xarunta Guddiga Doorashada ay degayaan, guryaha loogu talo galay ergada iyo hoolalka Shirarka.

Office Nairobi Kenya