Lafta Gareen “Marka aad fiiriso senatarada sida ay ku soo baxeen sida loo xushay

Talaado: August 17, 2021

Maalmo kadib Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay la kulmay Senataradii lagu doortay magaalada Baydhabo, oo ahaa kuwa dooranaa iyo Malxiisiin matalayay kor joogto.

Lafta Gareen   ayaa amaanay qaabkii ay u dhacday Xulashada Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee maalmo ka hor  lagu doortay baydhabo.

Lafta Gareen ayaa dardaaran u jeediyey sideeda Senatar ee Koonfur Galbeed ku metalaya Aqalka Sare, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee dalka, siiba tan deegaanada maamulkaasi, maadaama ay ku metalayaan dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Senatarada lasoo doortay ay yihiin kuwa xul ah, isla-markaana leh aqoon durugsan, sidoo kalena isugu jiro dhalinyaro, dadweyn & gabdho.

Office Nairobi Kenya