Wararkii ugu dambeeyey ee dalka Afghanistan saacadihii la soo dhaafay

Khamiis August 19, 2021

 Ururka Taalibaan ayaa sii wada xoojinta awooddooda dalka Afghanistaan oo ay la wareegeen Axaddii, iyadoo meelaha qaar laga soo sheegaya rabrashado iyo dibad-baxyo, gaar ahaan dhinaca galbeed ee dalkaas.

Taalibaan ayaa la filayaa inay soo dhisaan dowlad cusub, balse weli ma cadda nooca ay noqon doonta dowladdaas, inkasta oo ay ballan-qaadeen dowlad loo dhan yahay.

Dhinaca kale, ciidamada Mareykanka oo ku sugan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul ayaa sii wada daad-gureynta shacabka iyo shaqaalaha Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeyn jiray.

VOA

Office Nairobi Kenya