Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Jubbaland soo gaaray Muqdisho.

Jimco: August 20, 2021

 Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si uga qaybgalo Shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaanno, Senataro iyo Shaqsiyaad kale ayaa ka qaybgalay soo dhaweynta Axmed Madoobe.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashada.

Office Nairobi Kenya