Talaado: August 24, 2021
Maleeshiyada A-shabaab ayaa saaka la wareegtay gacan ku heynta magaalada magaalada Camaara ee gobolka Mudug, kaddib markii ay deegaankaas ku soo qaadeen weerar ku billowday Qarax ay la eegteen xerada ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Ilo wareedyo ku sugan Camaara ayaa VOA u xaqiijiyay in ciidanka dowladda, gaar ahaan kuwa Danab iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo maleeshiyada Al-shabaab dagaalka laga galay ay iskaga baxeen deegaankaas, Isla markaana ay Al-shabaab la wareegtay gaadiid dagaal.
Sidoo kale Horraantii bishan ayay ciidmada dowladda iyo kuwa Galmudug la wareegeen magaalada Camaara oo in muddo ah ay joogeen Al-sbabaab.
.
Office Nairobi Kenya
