Arbaco: August 25, 202
Ciraaq ayaa ku casuuntay Iran iyo dalalka Khaliijka Carabta oo ay Tehran kala dhexeyso xurgufta siyaasadeed shir madaxeedka ka dhacaya magaalada Baqdaad, iyadoo ujeedadu tahay qaboojinta xiisadaha soo dhaweeyey colaad furan sanadihii la soo dhaafay.
Saraakiisha Ciraaq ayaa sheegay in kulankan sidoo kale looga hadli doono dagaalka Yemen, burburka Lubnaan iyo xiisadda biyaha ee gobolka, isla markaana shirkan uu sahli karo tallaabo dhinaca isu soo dhawaashaha Sacuudiga iyo Iran.
Xiisadaha u dhexeeya muddada dheer Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa sii xumaaday kadib weerarkii 2019 ee lagu qaaday warshadaha saliidda ee Sucuudiga kaas oo muddo kooban kala jaray wax soo saarka saliidda Sucuudiga.
Horraantii bishaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan Al Sacuud ayaa sheegay in si ‘dhiirran” Iran ay si xun ugu dhaqmeyso arrimaha Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan Yemen iyo Lubnaan iyo biyaha gobolk
office Nairobi Kenya
