Moqdisho,August 29, 2021 —Is rasaaseynta oo u dhaxeeysay labada Ciidan ayaa waxaa ay Maanta ka dhacday nawaaxiga tuulada Saax-maygaag oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame ee Gobolka Sool.
Israsaaseynta ayaa waxaa ay ka dambeeysay kadib markii ay isku dhaceen labada Ciidan oo sahan ahaa xilli ay marayeen Balli-cad oo dhanka hawdka ka xiga tuulada Saax-maygaag, halkaas oo dhowr jeer ay ku dagaalameen laba maleeshiyo Beeleed.
Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa geeriyooday laba kalena waa ay ku dhaawacmeen israsaaseynta, waxaana dhinacyada dagaalamay kala dhex-galay Ciidamo kale oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.
Puntland ayaa dhawaan go’aano la xiriira in laga guuro degaanka Saax-maygaag soo saartay si looga baaqsado dagaal Beeleedyada, hayeeshee go’aanadaas ay dhaqan geli waayeen.
Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish
____________________________________________________________
