hobolada Waaberi oo ka hor yimid go’aan ay gaartay wasaaradda warfaafinta


isiniin: August 30, 2021

Qaar kamid ah abwaannada iyo fannaaniinta kooxda Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid go’aan wasaaradda warfaafintu ugu ogolaatay shirkad maxali ah inay makhaayad uga hirgaliso dhul bannaan oo ku yaala dhismaha Tiyaatarka Qaranka ee magaaladaasi.

Warqad uu ku saxiixnaa wasiir Cismaan Abokor Dubbe ayaa loogu ogolaaday shirkadda Xaawo Taako in makhaayad iyo jardiino lagu nasto uga hirgaliso dhulka dambe ee tiyaatarka, iyadoo heshiiska muddada kireynta iyo xiligaba dib laga sheegi doono.

Sidoo k,ale waxaa gaashaanka u daruuray abwaannada iyo fannaaniinta kooxda Waabari, oo ka midka yahay abwaan Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) Agaasime ku xigeenka Tiyaatarka Qaranka

BBC

Office Nairobi kenya