Cristiano Ronaldo oo sheegay inuu ku soo laabtay kooxdii uu ka tirsanaan jiray ee Man United

Arbaco: September 1, 2021

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu ku soo laabtay kooxdii uu ka tirsanaan jiray ee Man United isla markaana uu u hibeeyay ku soo laabashadiisa tababarihii hore ee kooxda Sir Alex Ferguson.

United ayaa bixisay lacag dhan 15m euros (£ 12.85m) si ay 36-jirkan ugala soo wareegto Juventus, toban sano kadib markii uu ka tagay kooxda kuna biiray Real Madrid.

Waxa uu saxiixay qandaraas labo sano ah.

“Qof walba oo i yaqaan, wuu ogyahay jaceylka aan dhammaanayn ee aan u qabo Manchester United,” ayuu ku yiri bartiisa Instagram.

Office Nairobi kenya