Dowladda Suudaan oo beenisay in ciidankeeda galeen Itoobiya

Muqdisho | September 4, 2021:-Dawlada Sudaan ayaa iska fogeysay oo beenisay eedaymaha kaga yimid Xukuumada Abiy Ahmed ee Ethiopia ee ah in ay ciidankoodu taageerayaan TPLF ta ka dagaalemeysa Itoobiya.

militaryga Ethiopia ayaa sudan shalay

ku Eedeeyey in 50 dagaalyahan ah ay ka soo gudbeen xadka Sudan una soo talabeen Ethiopia.

Sudan ayaa sheegtay in eedeymaha Ethiopia aysan sal iyo raad toona lahayn”, Sudan ayaa intaa ku dartay in Suudaan iyo ciidankeedu aysan faragelin arrimaha gudaha ee deriska Itoobiya ama dalal kale.

Waxaa kaloo ay sheegtay in ciidanka Difaaca Suudaan ay jooggaan xududihii loogu tala galay.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________