Dumarka oo reer Afgaanistaan oo ku nool magaalada Jalalabad oo Walaac ka muujiyay Kooxda Talibaan


Sabti: September 4, 2021

Dumar badan oo reer Afgaanistaan ah oo ku nool magaalada Jalalabad ayaa walaac ka muujiyay dib u xukunkii Talibaan, iyadoo kooxda hubaysan ay sheegtay inay wax ka beddeleen habkoodii hore.

Mushkan Babri, oo macallin ka ah Jalalabad, ayaa u sheegtay Al Jazeera in iyada oo fahamsan cabsida dadka, haddana ay go’aansatay in ay sii joogto Afganistaan.

Shaqaalaha caafimaadka dumarka ayaa sidoo kale ku soo noqday shaqada Isbitaalka Gobolka ee Nangarhar, iyadoo Taalibaan ay soo rogtay xeerar cusub oo ku saabsan kala soocidda rag iyo dumarka.

Office Nairobi Kenya