New Zealand oo wacad ku martay inay xoojin doonto shuruucda u degsan ka hortagga argagixisada

Sabti: September 4, 2021

 

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa wacad ku martay inay xoojin doonto shuruucda u degsan ka hortagga argagixisada kaddib weerarkii toorreyda loo adeegsaday ee shalay ka dhacay magaalada Auckland, kaas oo uu geystay nin ka soo jeeda dalka Sri Lanka.

Ninkan ayaa toddoba qof ku tooryeeyay meel laga dukaameysto. Saddex ka mid ah dadkaas ayaa xaaladdooda laga deyrinayaa.

Sidoo kale Waxaa la sheegay in ninkan uu taageero kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka balse booliska ayaa toogtay.

Office Nairobi Kenya