Wiil uu dhalay Qadaafi oo laga sii daayay xabsi ku yaala Tripoli

Isniin: September 6, 2021

Wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Al -Qadaafi ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tripoli, sida ay sheegeen ilo -wareedyo amni.

Al-Saadi Gaddafi, oo 48 jir ah ayaa  waxa lagu sii daayay go’aan ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Liibiya iyo ansixinta Ra’iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibeh.

Al-Saadi,ayaa ahaa maareeyaha dhaqdhaqaaqyada isboortiga dalka xilligii Qaddaafi isaga oo sidoo kale ka ciyaarayay kooxda kubadda cagta qaranka Liibiya.

Office Nairobi Kenya