War deg deg ah: Farmaajo iyo Rooble oo hadda kulan uga socda xarunta madaxtooyada Villa Somalia.


Talaado: September 7, 2021

Wararka ka imaanaya Villa Somaliya ayaa sheegaya in goor dhawayd uu halkaas kulan uga bilaawday Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ah dhammaan taliyeyaasha ciidamada oo uu ku jiro agaasimaha ku-meel gaarka ah ee Hay’adda NISA Bashiir Goobe, oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Soomaaliya Cabdiweli Muudey, iyadoo la filayo inuu kusoo biiro guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.

Kala soco Bogan wixii ku soo kordha kulankaas

Office Nairobi kenya