Cumar Filish oo ka hadlay dadkii ku geeriyooday Qaraxii caawa ka dhacay degmada Wadajir

Talaado: September 14, 2021

Xili ay soo kor dhayaan qasaaraha ka dhashay Qarax caawa ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa ka tacsiyeeyay  Qaraxan waxa uuna ku tilmaamay mid ka fog Islaamnimada iyo Bini’aadanimada islamarkaana kooxaha Argagixisada ay caadeesteen daadinta dhiiga dadka Muslimka ah ee aan waxba galabsan iyagoo ku soo gambanaayo Diinta Ismaalamka.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu ilaahey ugu baryay inuu Naxariistiisa Jano ka waraabiyo walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkaasi bahalnimada ah ee caawa ka dhacay degmada Wadajir, sidoo kale waxuu caafimaad deg deg ah u warajeeyay dadkiisa uu dhaawaca soo gaaray.

 Office Nairobi Kenya