Ra’iisul wasaare Rooble oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay qaraxii ka dhacay degmada Wadajir

Talaado: September 14, 2021

 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay Qaraxii Caawa ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii  maanta argagixisada Alshabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan. Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina Samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.”

about:blank Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay u mudoobaan la dagaalanka argagixisada.

“Falkan bahalnimada ahi waxa uu muujinayaa  sida argagixisada Alshabaab ay ugu oon qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Rooble.

.

Sidoo kale Qaraxaan waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 qof waxaana ku dhaawacmay sida la sheegay dad gaaraya 30 qof.

 Office Nairobi Kenya