War deg deg ah: Qarax caawa maqribkii ka dhacay meel u dhow albaab laga galo xerada Xalane

Talaado: September 14, 2021

War dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax caawa maqribkii ka dhacay meel u dhow albaab laga galo xerada Xalane oo ay dagan yihiin safaaradaha caalamka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa  uu ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan inta u dhaxeeysa bar kontorool oo laga galo Xalane iyo xerada Jeneraal Gordon.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan uu ka dhacay maqaayad halkaas ku taala, waxaana jira qasaare ka dhashay qaraxaas, waxaana goobta gaaray baabuurta Gurmedka Deg deg ah.

Office Nairobi Kenya