Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay ku dileen dalkaas.


khamiis: September 16, 2021

Wararka ka imaanaya saakay Koonfur Afrikan  ayaa sheegaya in Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ay xalay meel kamid ah dalkaas kudileen muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaas.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Mahad Dheere ayaa Kooxaha Burcadda ah waxaa ay ku dileen dukaankiisa oo kuyaala Degmada Mamelodi ee hoos tagta Magaalada Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Sidoo kale Ciidama ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falkaasi dilka ah ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgal ay ku baadi goobayeen dableeydii ka dambeeysay dilka muwaadinka Soomaaliyeed walow ay ku guuleysan inay soo qabtaan.

Office Nairobi Kenya