Banaanbax looga soo hor jeedo warqada Wiiftada ee Villa Somaliya oo Muqdisho ka dhacaya maanta

Jimco: September 17, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saakay lagu wado in banaanbax looga soo hor jeedo qaladaadka Villa Somaliya iyo Warqada Wiiftada ah uu ka dhaco Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in banaanbaxaan lagu wado in muqdisho uu ka dhaco Marka laga soo baxo salaada Jimcada.

Banaanbaxaan ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco taaladea Daljirka Dahsoon, waxaan banaanbaxaan sidoo kale lagu taageeri doonaa dadaalada uu wado Raisal Wasaare Rooble.

Sidoo kale Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in banaanbaxaan ay is hor taag ku Samayn karaan Ciidamada Koofiyo Gaduuda oo aan ka fogayn taalada Daljirka Dahsoon

Office Nairobi Kenya