Midowga Yurub oo war ka soo saaray khilaafka siyaadsdeed ee u dhaxeeya Rooble iyo farmaajo.

Sabti: September 18, 2021

 Midowga Yurub ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble inay soo afjaraan khilaafka siyaasadeed ee maalmihii dambe ciirka isku sii shareerayay.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saareen ku sheegay in loo baahanyahay in geedi socodka doorashada aan la hakinin oo lagu wado si nabadgelyo leh, iyadoo la raacayo jadwalkii hore loogu heshiiyay ee 27 May.

“Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed. Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub.

Sidoo kale Maraykanka Beesha caalamka Midowga Yurub iyo Midowga afrika ayaa ka dardaar warinaya in uu gacan ka hadal Sababo Qilaafka u dhaxeeya labada Xafiis.

Office Nairobi Kenya