Malaysia oo Thailand ka dalbaneysa iney u soo gacan geliso nin ku xad-gudbay diinta Islaamka


Arbaco: September 22, 2021

Booliiska dalka Malaysia ayaa sheegay inay ka dalbanayaan Thailand inay u soo gacan geliso qof isku soo ekeysiiyay haweeney oo loo haysto dambiyo ah inuu ku xad -gudbay shareecada Islaamka.

Nuur Sajat ayaa bishii January ku guuldareystay in uu ka soo hor muuqdo maxkamad, si uu u wajaho dacwad ah inuu aflagaadeeyay diinta Islaamka isagoo soo xirtay labis dhaqameedka dumarka ee reer Malaysia , taas oo uu kaga qeyb galay xaflad diimeed ka dhacday dalkaas.

Haddii denbiga lagu helo ayaa waxa uu muteysan doonaa 3 sano oo xabsi ah.

Office Nairobi Kenya