Kalluumeysato Soomaaliyeed oo muddo shan bilood ah la la’aa oo laga helay Dalka Sri Lanka

khamiis: September 30, 2021

 `

Wararka ka imaanaya dalka Sri Lanka ayaa sheegaya in laga helay halkaas ama ay ka soo hadleen  Afar kalluumeysato Soomali ah oo muddo shan bilood ah ku maqnaa badda .

Wararka ayaa sheegaya in shalay ka soo hadlay waddanka Sri Lanka, kaddib markii ay soo badbaadisay doon kalluumeysi laga leeyahay dalkaas Sri Lanka.

Kamaal Maki Aweys, guddoomiyaha iskaashatada Dan-kulmis ee xeebaha Soomaaliya oo ay raggaasi iyo doontooduba ka tirsan yihiin ayaa VOA u xaqjiyay in nolol lagu helay raggan.

Office Nairobi Kenya