War deg deg ah: Ciidamada Ahlu Sunna oo goordhow la wareegtay gacan ku haynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

,

Jimco: October 1, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamo ka socda Ahlu Sunna Waljamaaca ay goordhayd  la wareegeen  gacan ku haynta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Taliye ku xigeenka booliska degmada Mataban Cabdullahi Aadan, oo iyo Ciidamadiisa ay isku dhiibeen Ahlusuna.

Sidoo kale arintaan ayaa imaanaysa Xili galabta ay la Wareegeen kooxda Ahlu-Sunna Degmada Guriceel.

Office Nairobi Kenya