Muqdisho|| QOL| October 17 2021=Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka qeybta 60aad ayaa waxaa ay sheegeen in Maxamed Kuulow Cali uu ka mid ahaa Saraaliisha Sare ee Al-Shabaab , isla markaana uu la Shaqeynayay mudso hal sano ah, isaga oo ka howlgalayay deegano hoos yimaada Gobolka Bokool.
Maxamed Kuulow ayaa sheegey in uu la kulmay Saraakiisha sare e Al-Shabaab, sidoo kalena ay jiraan dhibaatooyin ay Al-Shabaab u geystaan dadka Shacabka, taas oo keentay in uu isku soo dhiibo Ciidamada dowladda waa sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Dhalinyarada weli katirsan Al-Shabaab in ay isku soo dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana sarkaalkaan uu Al-Shabaab kala soo tegay Qoray AK47 ah iyo Boosh.
Dhowr jeer ayaa Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad waxaa isku soo dhiibay Saraaki ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo lagu soo bandhigay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay iyo degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool.
Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho
____________________________________________________________
