Wasiirka Maaliyadda oo daahfuray shirka Wada-tashiga miisaaniyadda 2022

Sabti: October 23, 202

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Miisaaniyadda Qaranka loo qoondeeyay sanadka soo socda ay ka wanaagsan tahay sanadkii hore, marka la eego kororka dakhliga gudaha.

Kulanka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Suleyman Sheekh Cumar, Agaasinka Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda iyo hawlwadeennada Wasaaradda Maaliyadda.

Office Nairobi Kenya