Madaxwaynaha Galmudug oo galabta gaaray Degmada Guriceel ee Gobolka galgaduud.

 
khamiis: October 28, 2021

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa galabta  gaaray Degmada Guriceel ee Gobolka galgaduud.

Booqashada Qooq Qoor ayaa imaanaysa xili oo shalay Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ay la wareegeen ka dib Markii Ahlusuna Wadahadal uga baxeen.

Sidoo kale  Madaxwayne QoorQoor ayaa si gaar ah u booqanaya Xerada Ciidamada xoogga dalka ee Har-qaboobe, halkaa oo ay joogaan saraakiisha sare ee ciidanka iyo dhamaanba askartii ka qayb qaadatey howlgalka soo idlaadey.

Ahlusunna Ayaa Gurceel haysatay Muddo 22-maalmood ah waxayna Dagaal xoogan la galeen Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo isku dhinac ah.

Office Nairobi Kenya