C/raxmaan C/shakuur oo hambalyo u diray Xildhibaanadii ugu horeeyay oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho

 Isniin: November 1, 2021

Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa hambalyo u diray Xildhibaanadii ugu horeeyay oo maanta lagu doortay magaalada Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay Bogiisa faceboob ayaa sidaan u qornaa

Waxaan hambalyo u dirayaa Biixi Iimaan Cige iyo Mahdi Maxamad Guuleed oo loo doortay in ay ka mid noqdaan xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad. Waxaan u rajaynayaa in Ilaaheey ka yeelo kuwii u adeega danta dalka, dadka ay metelaan iyo dawladnimada Soomaaliya. Waxaan ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka, si dalka looga saaro mugdiga sharciyad iyo hubanti la’aanta siyaasadeed.

Office Nairobi Kenya