Qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo lagu hakiyay natiijada kursigii Mahdi Guuleed.

Talaado: November 2, 2021

Waxaa goor dhawayd Qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo  lagu dalbaday in la hakiyo ku dhawaaqidda natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Muqdisho.

Qoraalkan ayaa laga dalbaday in guddiga doorashooyinka heer federaal in aysan shaacin natiijada kursigaas, maadaama dacwad laga keenay kursiga Hop 239.

Sidoo kale Dacwadan ayaa waxaa soo gudbiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo hadda kursigan ku fadhiya, illaa baarlamanka cusub laga dhaarinayo.

Office Nairobi Kenya