Al-shabaab oo sheegtay in ay 10 askari oo Ciidanka Kenya ah ku dishay gudaha Gobolka Laamu


khamiis: November 4, 2021

 Al-shabaab ayaa sheegtay in ay 10 askari oo Ciidanka Kenya ah ku dishay gudaha Gobolka Laamu kadib markii ay qarax miino la beegsatay kolonyo ciidan.

War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in kolonyadaas lagu beegsaday xilli ay marayeen inta u dhexaysa degaannada Kinyonga iyo Mirani oo ka tirsan Gobolka Laamu.

Dowladda Kenya weli kama hadlin sheegashada Al-shabaab mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaas.

Office Nairobi Kenya