Dagaal ka dhacay xadka Canfarta iyo Soomaalida Itoobiya


Axad: November 7, 2021

Wararka ka imanaya deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal uu saaka ka dhacay aagga Caydhkaal oo dhanka bari ka xigta Magaalada Cadeyti ee Gobolka Siti.

Sida ay BBC u sheegeen dadka deegaanka dagaalka waxaa soo qaaday ciidamo ka soo duulay Deegaanka Canfarta.

Dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca 6 kale.

Maamulada labada deegaan ee Canfarta iyo deegaanka Soomaalida ayaan wali ka hadal dhacdadan.

Office Nairobi Kenya