Guddoomiyaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo kulan gaar ah la yeeshay madaxda iyo saraakiisha hay’adda Foorensik.

Isniin: November 8, 2021

Guddoomiyaha Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Siciid Mu’min ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda iyo saraakiisha hay’adda Foorensik Saniska ee Puntland.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha, hannaanka baaritaan iyo dhammaystirka natiijooyinka lagu gaarayo Cadaaladda.

Hay’adda Forensic-ga ayaa samaysa baaritaanno cilmiyaysan oo ku salaysan dheecaanka Hidda-sidaha DNA, si loo xaqiijiyo danbiyada uu kamid yahay kufsiga.

Office Nairobi Kenya