Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan la qaatay guddi ka socday dadka ku dhaqan xaafadaha ku dhow Isbitaalka Laasaleeti.

Arbaco: November 10, 2021

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay guddi ka socday dadka ku dhaqan xaafadaha ku dhow Isbitaalka Laasaleeti.

Dadkan uu la kulmay Gudooiyaha Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka qabay dhismaha cusub ee ka socda qeyb kamid ah isbitaalkaasi oo dhawaan dadka deegaanka xoog ku joojiyeen

Guddoomiye Cumar Filish oo ugu horeyn gudigaas ka dhageystay warbixin ku saabsan cabashadooda ayaa waxaa uu sheegay in dhulka isbitaalka uu yahay mid Danguud ah islamarkaana loogu talagalay in loogu adeego ummada Soomaaliyeed

Cumar Finish ayaa sheegay in dhismaha haatan ka socda Isbitaalka Laasaleeti ay tahay Xarunta cusub oo ay ku howlgali doonto Wasaarada Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka DFS islamarkaana aysan jirin wax dhul boob ah oo ka socda goobtaasi.

Office Nairobi kenya