Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo markii ugu horeysay la kulmay Madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Arbaco: November 10, 2021

 Wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa muddo 10 sano ah markii ugu horeysay booqday dalka Suuriya.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Cabdalla Bin Zayed al-Nahyaan ayaa la kulmi doona madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Arrintan ayaa muujinaysa sida ay isu beddelayso siyaasadda waddamada Carabta ee ku aaddan dalka Suuriya, oo 10 sano ku jira dagaal sokeeye.

Office Nairobi Kenya