Jubaland oo sheegtay in khilaafka siyaasadeed uu sababay in gargaarkii gaari waayo deegaannada qaar

Axad: November 14, 2021

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo uu caqabad ku yahay gurmadka la gaarsiin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Gobolka ayaa kamid ah deegaannada ay ku dhufatay abaar xooggan oo laga dareemay meelo badan oo Geeska Afrika ah.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Adan ayaa BBC-da u sheegay sidaas, waxa uuna sheegay in Villa Somaliya ay arintaan ku lug leedahay.

Office Nairobi Kenya