Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqaday Xarumaha doorashada ee xarunta galmudug ee dhuusamareeb.

Talaado: November 16, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo socdaal ku jooga halkaas, uu  kulan kula qaatay Guddiga Doorashooyinka Galmudug wuxuuna kala hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka.

Rooble ayaa ku booriyay gudiga doorashada mamaulka Galmudug inay si isku mid ah ugu adeegaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta Xildhibaannimo ee yaalla Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey ballan-qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan, laguna kalsoonaan karo, lana xaqiijinayo qoondada haweenka, waxaa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, diiradana la saaro qabsoomidda doorashada.

Office Nairobi Kenya