Axad: November 28, 2021
Guddiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in maanta la qaban doono kursiga tirsigiisu yahay HoP103 oo la hakiyay kaddib markii cabasho laga muujiyay,
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Koofur Galbeed ee SEIT Yuusuf C/qaadir Baafo ayaa maalintii shalay sheegay in guddiga FEIT aanu xaq u laheyn inuu joojiyo doorashada kursiga HOP103.
War qoraal ah oo is shalay kasoo baxay Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa amar lagu bixiyay in la hakiyo doorashada Kursiga Hop-103 ay ku tartami lahaayeen Xubno uu ku jiro Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee BS Prof Jawaari.
Guddiga doorashooyinka ayaa sababta loo hakiyay kursigaas ku sheegay, Kadib markii dacwad ay ugu timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari.
Ugu dambeenti Guddiga Doorashooyinka Koonfur galbed ayaa sheegay in isla maanta magaalada beydhabo lagu qabanayo 3 kursi oo kale oo kamid yihiin Kursiga HOP189 oo uu horay ugu fadhiyay Sheekh Aadan Madoobe,
HOP-103 oo Afartii sanobee la soo dhaafay ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, Idiris Cabdi Dhaqtar & kursiga HOP042 oo ay horay ugu fadhisay Hani Maxamed Aadan.
Office Nairobi kenya
