Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxa cutubka Talyaaniga ee Taakuleynta

Arbaco: December 8, 2021

Wararka ka imaanaya Xarunta  Gobolka banaadir ayaa sheegaya in  Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir Cabdulaahi Wiish uu  maanta kulan la yeeshay Madaxa Cutubka Talyaaniga ee Taakuleynta iyo Gargaarka Lt. Lucia Locotelli

Agaasinka iyo Madaxa Cutubka Talyaaniga ee Taakuleynta iyo Gargaarka ay isla meeldhigeen in la xoojiyo taageerida Dowladda Talyaaniga u fidiso Shacabka Caasimadda ku nool ee dhinacyada adeegyada Bulshada, tabarada la siiyo howl wadeennada Warbaahinta ee maamulka Gobolka Banaadir iyo in laga caawiyo tayeenta Warbaahinta Gobolka Banaadir

Sidoo kale  Madaxa Cutubka Talyaaniga ee Taakuleynta iyo Gargaarka Lt. Lucia Locotelli ayaa waxay balan qaadeen in ay la sameen doonaan wadashaqeentq dhanka Warbaahinta ah. Sidoo kalana ay booqasho ku imaan doonaan xarumaha Warbaahinta Maamulka Gaobolka Banaadir.

Office Nairobi Kenya